Muqdisho (Dawan) – Siyaasiga mucaaradka ah, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in mucaaradku doonayo heshiis siyaasadeed oo laga gaaro marxaladda kala-guurka iyo hannaanka doorashada Soomaaliya.
Cabdiraxmaan oo ka hadlayay Miizaan Podcast ee Dawan Media ayaa sheegay in mucaaradku doonayo in wadahadallada siyaasadeed ay sii socdaan halkii ay hore uga istaageen, isla markaana dib looga bilaabo halka ay marayaan.
“Waxaan rabnaa wixii horey u socday in laga bilaabo meeshii ay joogeen,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in mucaaradku aanu diidanayn doorasho, balse uu doonayo in marka hore la isku af-garto mabaadi’da hagaysa nidaamka doorashada, oo ay ka mid yihiin federaalka, awood-qeybsiga, nidaamka baarlamaaniga ah iyo in doorasho dhacdo afartii sanaba mar.