Doha, 10 December, 2025- (Dawan)- Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa sheegay in hadallada lagu beegsanayo Soomaalida Mareykanka aysan sax ahayn, isla markaana aysan ka tarjumayn xaqiiqada nolosha iyo doorka ay bulshada Soomaaliyeed ka ciyaarto gudaha dalkaas. Wuxuu arrintan kaga hadlay wareysi uu siiyay Al Jazeera.
Wasiirku wuxuu xusay in Soomaalida ku nool gobollada kala duwan ee Mareykanka, gaar ahaan Minneapolis iyo Ohio, ay qayb muhiim ah ka yihiin bulshada ay la noolyihiin, ayna kaalin ka qaataan waxbarashada, ganacsiga, iyo hawlo kale oo muhiim u ah horumarka.
Cali Balcad ayaa yiri; " in ka badan 60% Soomaalida halkaas ku noolna waa muwaadiniin Maraykan ah oo wata dhalashada dalkaas. Waxay door muuqda ka qaataan kobaca dhaqaalaha iyo nolol maalmeedka bulshada Maraykanka"
Wasiirka aya intaas ku daray in Soomaalida Mareykanku ay yihiin muwaadiniin dhab ah oo leh xuquuq la mid ah tan muwaadiniinta kale. "Waxaanu u aragnaa in hadallada lagu beegsanayo bulshadaas aysan sax ahayn, waxaana rajeyneynaa inaysan sii socon,” ayuu yiri Wasiir Cali Maxamed Cumar, isagoo intaa raaciyay in dowladda Soomaaliya ay bogaadineyso taageerada joogtada ah ee ay Soomaalida Mareykanku ka heshay maamulka Mareykanka iyo dadka Mareykanka ah, gaar ahaan taageerada la siiyay bulshada Soomaaliyeed ee Minneapolis.
Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka ay taageeraan qoysaskooda ku nool Soomaaliya iyaga oo usoo dira lacago, taasoo kaalin muhiim ah ka ciyaarta kobcinta iyo daryeelka nolosha dalka hooyo. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xiriirka ka dhaxeeya labada dal uu yahay mid qoto dheer, islamarkaana Soomaaliya ay qadarin weyn u hayso iskaashiga iyo taageerada Mareykanka si loo horumariyo bulshooyinka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool.








