Muqdisho (Dawan) – Mashruuca Damal Caafimaad, oo ah mashruuc adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya ka taageera Bangiga Adduunka, ayaa dhammaanaya bisha December, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan. Wuxuu sheegay in wasaaraddu ka shaqaynayso sidii loo heli lahaa mashruuc beddela, si aysan adeegyadu u istaagin.
Wasiirka ayaa Miizaan Podcast ee Dawan Media u sheegay in mashruucu ka shaqaynayay in ka badan 250 xarumood oo caafimaad. Wuxuu sheegay in boqollaal kun oo hooyooyin ah ay mashruuca ka heleen adeegyada daryeelka uurka, dhalmo badbaado leh iyo tallaalka carruurta.
“Mashruucaasi guul weyn ayuu ku soo dhammaaday, December-tan ayuu hadda ku egyahay,” ayuu yiri.
Bangiga Adduunka ayaa mashruuca Damal Caafimaad ansixiyay bishii Juun 2021, isagoo u qoondeeyay deeq dhan 100 milyan oo doollar. Lacagtaas, 75 milyan oo doollar ayaa ka timid Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee Bangiga Adduunka, halka 25 milyan oo doollar ay ka yimaadeen Sanduuqa Maalgelinta Caalamiga ah ee Haweenka, Carruurta iyo Dhallinyarada (GFF). Mashruucan ayaa ahaa maalgelintii ugu horreysay ee Bangiga Adduunka uu ku sameeyo qaybta caafimaadka Soomaaliya muddo 30 sano ah.
Sida uu sheegay Bangiga Adduunka, ujeeddada mashruucu waxay ahayd hagaajinta adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka iyo nafaqada, iyo xoojinta awoodda wasaaradaha caafimaadka. Mashruuca ayaa loogu talagalay inuu gaaro 1.84 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya.
Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in mashruuca lagu bilaabay lix gobol, balse hal gobol ay caqabado ka hor yimaadeen oo uusan ka faa'iideysan, halka shanta kale si wanaagsan looga hirgeliyay. Hase yeeshee, ma uusan magacaabin gobollada. Wuxuu sheegay in wasaaraddu la shaqaynayso hay'adaha ay wada shaqeeyaan, si loo helo mashruuc la wareega Damal Caafimaad, balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin qorshahaas. Wasiirku wuxuu sheegay in horumarka caafimaadka Soomaaliya aan lagu sii wadi karin oo keliya deeqaha dibadda iyo mashaariicda Bangiga Adduunka, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in dowladdu si tartiib-tartiib ah u kordhiso miisaaniyadda caafimaadka, si loo yareeyo ku-tiirsanaanta deeq-bixiyeyaasha.