Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa siyaasiyiinta ugu baaqay inay dowladda la wadaagaan aragtiyo iyo talooyin ka wanaagsan kuwa hadda jira, isagoo sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay qaadato talo kasta oo wax ku ool ah.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda dhagax-dhigga xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in muwaadin kasta oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay inuu dalka hoggaamiyo, balse ay tahay in arrintaas lagu gaaro nidaamka iyo shuruucda ay ummadda Soomaaliyeed dejisatay. Wuxuu intaas ku daray in dowladdu ay talada haysato muddo xaddidan, khaladaadkeedana shacabka ay ku sixi karaan marka ay timaaddo fursadda doorashada.
Madaxweynuhu wuxuu mucaaradka u sheegay in albaabada dowladda ay u furan yihiin, isla markaana laga wada hadli karo dukumiintiyada iyo xeerarka dalka. “Haddii qodob ka fiican la keeno, waan qaadanaynaa, mana diidayno,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray inuu diyaar u yahay inuu u tago siyaasi kasta, meel kasta oo uu joogo.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli wada-hadallada ku saabsan doorashooyinka federaalka aysan weli gaarin heer kulan rasmi ah oo ay dhammaan dhinacyada siyaasadeed ka wada qaybgalayaan.