Muqdisho (Dawan) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u bilaabay mashruuc cusub oo lagu dayactirayo Waddada 26-ka June ee Degmada Hodan, taasoo muhiimad weyn u leh isku socodka magaalada. Waddadan oo dhererkeedu gaarayo 1.3 kiiloomitir, ayaa horey loo dhisay, laakiin waxay burburtay kadib roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay Muqdisho. Hadda, mashruucan waxaa lagu maalgelinayaa lacag laga soo aruuriyay canshuuraha shacabka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ku dhawaaqay in mashruucan uu qeyb ka yahay ballanqaadkii maamulka ee ahaa in canshuuraha shacabka si toos ah loogu isticmaalo adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
“Tani waa qeyb ka mid ah ballanqaadkeenna ah in canshuurta shacabka si toos ah loogu bixiyo mashaariic ay dadweynuhu faa’iido ka helayaan,” ayuu yiri Muungaab mar uu ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhigga waddada.


