Kigali (Dawan) – Soomaaliya ayaa shir caalami ah oo ka dhacay Rwanda ka sheegtay in yaraanta maalgelinta, awoodda tiknoolajiyadeed ee xaddidan iyo baahida loo qabo tiknoolajiyadaha la xiriira cimilada ay caqabad ku yihiin hirgelinta Qorshaheeda Qaranka ee La-qabsiga Isbeddelka Cimilada (NAP) ee sanadka 2030.
Arrimahan ayaa lagu soo bandhigay Bandhigga 11-aad ee Qorshaha Qaranka ee La-qabsiga Isbeddelka Cimilada (NAP Expo), oo ka qabsoomay magaalada Kigali intii u dhaxaysay 18-ka illaa 21-ka May, kaas oo ay kasoo qeyb galeen dowlado, khubaro ku xeel dheer arrimaha cimilada iyo saaxiibbada horumarinta si ay uga wada hadlaan dardargelinta qorshayaasha la-qabsiga isbeddelka cimilada.
Soomaaliya waxaa bandhigga ku matalay Maxamed Cali Axmed, Madaxa Yareynta Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Deegaanka, Soomaaliya waxay madasha ku soo bandhigtay horumarka laga gaaray diyaarinta Qorshaheeda Qaranka ee La-qabsiga Isbeddelka Cimilada, kaas oo loogu talagalay inuu hago dadaallada dalka ee la-qabsiga saameynta isbeddelka cimilada.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Soomaaliya ay dhamaystirtay diyaarinta qorshaha, isla markaana ay u gudbisay Heshiiska Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (UNFCCC) bishii Sebtembar 2025.


