Gaarisa 22 December 2025 (Dawan)- Bulshada rayidka iyo qaar ka mid ah siayasiyiinta magaalada Gaarisa ayaa caro ka muujiyay dilkii loo gaystay Axmed Sheekh Cumar, oo ahaa darawal taksiile ah, iyada oo la toogtay xilli uu marayay waddada xiriirsa Gaarisa iyo Dhadhaab.
Dilkiisa waxaa lagu eedeeyay askari ka tirsan Booliska, inkasta oo aan weli lasoo qabanin askarigaas.
Siyaasiyiin uu ka mid yaahy xildhibaanki hore ee Lagdera, Maxamed Hiire, ayaa saxaafadda u sheegay in marxuumka laga toogtay xagga madaxa habeenimadii Sabtida, islamarkaana uu ahaa shaqsi aan dambiyo lahayn oo ku guda jiray shaqo maalmeedkiisa caadiga ah. Xildhibaanka ayaa arrintan ku tilmaamay dhacdo murugo leh.
Hiire ayaa sidoo kale su’aal geliyay sababta keeni karta in Boolisku ay toogtaan nin qoyskiisa u shaqaynaya, isaga oo beeniyay warbixinta uu Booliska soo saaray ee ay ku tilmaameen in marxuumku ku dhintay shil.






