Muqdisho (Dawan) – Barnaamij caafimaad oo ku saabsan qalliinada kaadi-mareenka iyo taranka ayaa si guul leh loogu soo gabagabeeyay Soomaaliya, iyadoo 15 carruur ah oo qaba xaalado caafimaad oo gaar ah lagu sameeyay qalliin intii lagu jiray afartii maalmood ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay Hormuud Salaam Foundation.
Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cusmaan, ayaa sheegay in carruurta la qalay ay ahaayeen kuwo muddo dheer la tacaalayay xanuunnadaas, kuwaas oo saameyn ku yeeshay noloshooda maalinlaha ah.
“Waxaa qalliin loo sameeyey 15 carruur ah oo afartii maalmood ee la soo dhaafay, qaar ka mid ah qalliinadoodu ay ahaayeen kuwo adag oo waqti badan qaatay. Waalidiintooduna waxay noo sheegeen inay muddo dheer dhibaatadaas la noolayeen. Alxamdulillaah maanta waa laga qaaday dhibaatadaas,” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur Cusmaan.