Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa sannadkii 2025 soo dejisay qaad qiimihiisu gaarayo $450.4 milyan, taas oo ka badan $404.3 milyan oo ay dowladda federaalku ka ururisay dakhliga gudaha sannadkaas, sida ay muujinayso xogta warbixin uu diyaariyay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.
Warbixinta State of the Economy Report 2026, oo uu diyaariyay Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee hoos yimaada Xafiiska Madaxweynaha, ayaa qaadka ku dartay badeecadaha ugu badan ee dalka la soo dejiyo, iyadoo xogta laga soo xigtay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
Cuntada ayaa ahayd badeecadda ugu badan ee la soo dejiyo, iyadoo qiimaheedu gaarayay $2.4 bilyan. Waxaa ku xigay agabka dhismaha, alaabada caafimaadka, dharka iyo kabaha, shidaalka iyo gaaska, iyo gaadiidka iyo qalabkooda.
Lacagta qaadka lagu soo dejiyay ayaa u dhiganta ku dhowaad kala bar $922.9 milyan ee Soomaaliya ka heshay dhoofinta xoolaha, oo ah badeecadda ugu weyn ee ay dibadda u iibgeysato. Sidoo kale, waxay qiyaastii 13 jeer ka badan tahay dakhliga ka soo xarooday dhoofinta kalluunka, oo warbixintu ku qiyaastay $34.9 milyan.
Qaadka Kenya, oo loo yaqaan miraa, ayaa ah kan ugu badan ee Soomaaliya la keeno, waxaana lagu soo daabulaa diyaarado.