Muqdisho (Dawan) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku baaqay in baaritaan madax-bannaan oo hufan lagu sameeyo khasaaraha Ciidanka Xoogga Dalka ee ka dhashay dagaalkii 26-kii Oktoobar ka dhacay deegaanka Jameeca ee gobolka Baay, kaas oo ay ka soo baxeen warar kala duwan.
War-saxaafadeed uu soo saaray maanta oo Talaado ah ayuu Shariif ku sheegay in khasaaraha soo noqnoqda ee ciidanka uu dhalinayo su’aalo ku saabsan qorsheynta hawlgallada, xogta sirdoonka, heerka diyaargarowga iyo madax-bannaanida taliska ciidanka. Wuxuu dalbaday in baaritaanku caddeeyo sababaha keenay khasaaraha iyo cid kasta oo ku lug lahayd dayacaad ama bixinta amarro aan waafaqsanayn talada xirfadeed ee ciidanka. Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in taliska ciidanka laga ilaaliyo faragelinta siyaasadeed.
“Nafta askariga Soomaaliyeed ma noqon karto mid lagu khamaaro ama lagu fushado damacyo siyaasadeed iyo dano shakhsiyadeed,” ayuu ku yiri war-saxaafadeedka.