Moscow (Dawan)— Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa subaxnimadii Talaadada gaaray magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Afwerki ayaa inta uu ku sugan yahay Ruushka ka qaybgalaya Shir-madaxeedka Saddexaad ee Ruushka iyo Afrika, kaas oo diiradda saaraya xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Ruushka iyo dalalka Afrika.