Jabuuti (Dawan) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqay in 1.8 bilyan oo faranka Jabuuti ah, oo u dhiganta qiyaastii 10.13 milyan oo doollar, loo qoondeeyay Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Jabuuti (FDED), si loo taageero ganacsiyada dhallinyarada loona yareeyo shaqo la’aanta, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Geelle ayaa ku dhawaaqistan sameeyay intii uu socday furitaanka kalfadhigii 12-aad ee Golaha Wasiirrada, isagoo sheegay in maalgelintani ay xoojinayso taageerada la siiyo dhallinyarada. Lacagtan ayaa loogu talagalay dhiirrigelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo kala-duwidda dhaqaalaha dalka.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada ganacsatada ah loo fududeeyo helitaanka maalgelin ay ku hirgeliyaan fikradahooda ganacsi, kuna abuuraan shaqooyin waara.