Muqdisho (Dawan) — Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internetka Qaranka, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Jaamacadda Muqdisho, xilli Soomaaliya ay sii ballaarinayso adeegsiga nidaamyada dhijitaalka ah iyo dadaallada lagu xoojinayo amnigooda.
Madasha oo soconaysa laba maalmood ayaa isu keentay mas’uuliyiin dowladeed, wakiillo ka socda shirkadaha isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda, bangiyada, jaamacadaha, cilmi-baarayaal iyo khubaro ku takhasustay amniga internetka.
Ujeeddada madasha ayaa ah in la xoojiyo awoodda dalka ee ka hortagga khataraha dhanka internetka, la ilaaliyo kaabeyaasha dhijitaalka ah, isla markaana la abuuro iskaashi dhex mara dowladda, hay’adaha waxbarashada iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibrahim Mohamed Mursal, ayaa sheegay in jaamacaduhu door muhiim ah ku leeyihiin diyaarinta khubaro leh aqoon iyo xirfad ku saabsan amniga internetka, gaar ahaan xilli ay sii kordhayaan khataraha la xiriira adeegsiga tiknoolajiyadda. Wuxuu sidoo kale xusay in jaamacaddu ay aasaastay waax cusub oo lagu barto amniga internetka iyo garaad gacmeedka , taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha dhijitaalka ah ee dalka.