Soomaaliya – 22 Oktoobar 2025 – Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen duleedka magaalada Hudur ee gobolka Bakool habeenkii Talaadada, iyagoo dilay ugu yaraan toban dagaalyahan.
Sida ay sheegtay idaacadda ciidamada (SNA Radio), dagaalku wuxuu dhacay abbaaro 8:00 fiidnimo, meel 8 kiiloomitir u jirta Hudur, kadib markii ciidamada ay sheegeen inay heleen xog sirdoon oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa kooxda. Intii uu dagaalku socday, ciidamada ayaa sheegay inay dileen in ka badan toban dagaallame, waxayna gacanta ku dhigeen hub kala duwan oo ay ku jiraan qori BKM ah iyo qoryo AK-47 ah.
Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Sare Maxamed Yaris, ayaa u sheegay warbaahinta ciidanka in hawlgalkani uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga iyo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee gobolka.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir Maxamed, ayaa dhnkiiasa ammaanay iskaashiga ka dhexeeya ciidamada iyo shacabka deegaanka, isagoo sheegay in uu tusaale u yahay “iskaashi wax ku ool ah oo u dhexeeya bulshada iyo ciidamada amniga ee difaaca nabadda iyo xasilloonida.”
Lama helin ilo madax-bannaan oo xaqiijiyay khasaaraha Al-Shabaab lagu sheegay.
Hudur waa xarunta gobolka Bakool ee Koonfur-galbeed Soomaaliya, waxayna ku taallaa qiyaastii 420 kiiloomitir waqooyi-galbeed ee magaalada Muqdisho. Hudur waa xarun istiraatiiji ah oo ciidamada dowladda ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolka.



