Jabuuti, 27 Janaayo 2026 (Dawan) – Ciidamada Qalabka Sida ee Jabuuti iyo kuwa Faransiiska ee ku sugan dalkaas ayaa sameeyay dhoolatus militari oo wadajir ah, kaas oo ka dhacay deegaanada Koron iyo Grand Bara, iyadoo ujeeddadu ahayd kor u qaadista wada-shaqeynta ciidan iyo xoojinta diyaargarowga howlgal ee labada dhinac.
Dhoolatuska ayaa lagu fuliyay xaalado u dhow kuwa dhabta ah, waxaana lagu tijaabiyay awoodaha dhulka iyo cirka, iyadoo diiradda la saarayay xaalado dagaal oo wadajir ah. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo is-waafajinta howlgal ee u dhexeysa ciidamada Jabuuti iyo Faransiiska.
Dhoolatuskan waxaa goob joog ka ahaa kormeerayaal ka socday Machadka Faransiiska ee Daraasaadka Sare ee Difaaca (IHEDN), kuwaas oo indha-indheyn ku sameeyay sida ay ciidamada u wada shaqeynayaan iyo heerka diyaar-garowga cutubyada ka qeybgalay.







