Wajeer (Dawan) – Laamaha ammaanka Kenya ayaa Jimcihii sheegay inay burburiyeen xero la tuhunsan yahay inay isticmaali jireen dagaalyahanada Al-Shabaab, kadib howlgal amni oo laga fuliyay deegaanka Digdiga ee gobolka Wajeer, oo ku dhow xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.
War-saxaafadeed uu soo saaray Booliska ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday fariisin ku taal deegaanka Qanjara Durow. Sida lagu sheegay warbixinta, ciidamada ayaa la kulmay iska horimaad hubeysan oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo ay labada dhinac rasaas isku weydaarsadeen, ka hor inta aysan ciidamada la wareegin goobta islamarkaana aysan burburin xerada.
Booliska Kenya ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay tiro ka mid ah dagaalyahanadii goobta ku sugnaa, isla markaana lagu qabtay qalab isgaarsiin, rasaas, dareesyo ciidan, sahay cunto iyo walxo lala xiriiriyay qaraxyada miinooyinka, kuwaas oo inta badan loo adeegsado weerarrada ka dhanka ah ciidamada ammaanka iyo gaadiidka rayidka ah ee gobolkaasi.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qalabka la qabtay loo gudbiyay baaritaanno dembiyeed, halka ay weli socdaan baaritaannada la xiriira howlaha xeradaasi.


