Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay in Ciidanka Kumaandooska Danab ay dileen toddobo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, oo uu ku jiro taliye sare, kadib howlgal habeenkii xalay laga fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose.
War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in howlgalka ay fuliyeen Ciidanka Danab wax yar kaddib saqdii dhexe, laguna beegsaday goobo ku yaalla degmada Sablaale oo la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in dadka la dilay uu ku jiray taliye sare oo mas'uul ka ahaa abaabulka dagaalyahannada kooxda, hase yeeshee lama shaacin magaciisa.