Gaalkacyo (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Arbacadii sheegay in Puntland ay Soomaaliya matali karto. Wuxuu dowladda federaalka ku tilmaamay dowlad waqtigeedii dhammaaday, isla markaana aan sharciyad ku fadhin. “Waa xaqiiqo in dowladda sharciga ah ee maanta fadhida Puntland ay Soomaaliya matali karto, ayna ku filan tahay,” ayuu yiri Deni.
Deni ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu dhagax-dhigay dib-u-dhiska iyo casriyeynta Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo. Wuxuu dowladda federaalka ku tilmaamay “dowlad waqtigeedii dhammaaday, aan sharciyad ku fadhin oo xaaraan ku joogta kursiga”, isaga oo sheegay in Puntland aysan go'aannadeeda ku xirayn dowladda federaalka.
Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay mas'uuliyiinta Muqdisho inay ku dhaqmayaan dastuur aan la isku raacsanayn, isla markaana ay diidan yihiin go'aanka maxkamadda dalka. Qorshaha dowladda federaalka ee dib-u-eegista sharciyada doorashooyinka ayuu ku tilmaamay “boor isku qaris”.