Muqdisho – 6-da Janaayo 2026 (Dawan)- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dileen shan ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab, kaddib hawlgal amni oo si qorsheysan loo fuliyay kana dhacay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Hawlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Cilaan, oo qiyaastii 30 kiiloomitir dhanka bari kaga beegan degmada Baardheere, halkaas oo la sheegay in Al-Shabaab ay ku lahayd fariisin ay u adeegsan jirtay abaabulka iyo dhibaateynta dadka deegaanka.
“Intii uu hawlgalku socday, waxaa la dilay shan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana si buuxda loo burburiyay fariisimihii ay ku lahaayeen aagga,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga.







