Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro,” ayaa si cad u sheegay in dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Somaliland loo arko muwaadiniin Ethiopian ah, isla markaana aan la aqbali doonin in wax dhibaato ah loo geysto.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shir jaraa’id ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay haystaan amar cad oo ku saabsan ilaalinta muwaadiniinta ajaanibta ah, gaar ahaan dadka Itoobiyaanka ah, kaddib markii warar la xiriira falal dhibaateyn ah ay soo baxeen.
“Dadka itoobiyaanku Itoobiyaan bay noo yihiin in la dhibaateeyana waa mamnuuc, ciidamada amaanku waxay amar ku heystaan cid kasta oo dadka ajnebiga guud ahaan gaar ahaanna dadka Itoobiyaanka ah,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisado ka dhashay dhacdooyin gaar ah oo lala xiriiriyay muwaadiniin Itoobiyaan ah ay sare u qaadeen cabashooyinka bulshada. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda dadka ajaanibta ah, iyada oo loo eegayo qawaaniinta caalamiga ah iyo dhaqanka martisoorka ee Soomaalida.