Qudus (Dawan) –Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, oo maanta booqasho ku tegay Israel ayaa ammaanay xiriirka labada dhinac, kaddib markii ay shir jaraa'id wada qabteen Madaxweynaha Israel Isaac Herzog, isaga oo ku tilmaamay booqashadiisa mid taariikhi ah oo ku saabsan diblomaasiyadda Somaliland.
Cirro ayaa uga mahadceliyay Herzog iyo Israel soo dhoweynta uu ku tilmaamay mid diirran oo sharaf leh, isagoo sheegay in booqashadu ay ka tarjumeyso bilow cusub oo xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Somaliland iyo Israel.
“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, sharaf weyn ayay ii tahay inaan maanta hortiinna istaago intii lagu guda jiray booqashadan heer qaran,” ayuu yiri Cirro.
Waxa uu sheegay in soo dhoweynta Israel ee wafdiga Somaliland ay noqon doonto mid lagu xasuusto taariikhda diblomaasiyadda Somaliland.
Cirro ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland muddo 35 sano ah ay raadineysay aqoonsi iyo xiriir caalami ah, isagoo xusay in Israel ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee “aragta” Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.
“Hal dal oo keliya ayaa go’aansaday inuu na arko oo uu aqoonsado Somaliland, waana dowladda Israel iyo shacabkeeda,” ayuu yiri.