Hargeysa, 25 Febraayo 2026 (Dawan)– Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa qorsheynaya inuu booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah ku tago Israa'iil dabayaaqada bisha Maarso, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen wargeyska Jerusalem Post maalintii Talaadada.
Booqashadan ayaa timid ka dib socdaal qarsoodi ah oo uu Madaxweynaha Cabdillaahi horay u sameeyay xilligii ay socdeen wadahadalladii horseeday in Israa’iil ay aqoonsato Somaliland bishii Diseembar 2025.
Marka laga yimaado hab-maamuuska diblomaasiyadeed, wargeysku wuxuu sheegay in madaxda Somaliland ay doonayaan inay ka faa’iideystaan khibradda Israa’iil ee dhinacyada tignoolajiyada, beeraha, iyo hal-abuurka, si kor loogu qaado dhaqaalaha deegaanka.







