Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daahfurtay nidaam cusub oo lagu diiwaangelinayo laguna maareynayo hubka iyo adeegyada amni ee shirkadaha gaarka loo leeyahay. Wasaaraddu waxay sidoo kale ku dhawaaqday in askarta ka tirsan ciidamada dowladda aanay xaq u lahayn inay ka shaqeeyaan shirkadaha bixiya adeegyada amniga gaarka ah.
Agaasimaha Waaxda Amniga ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Cabaas Cali Xuseen, ayaa sheegay in dowladda ay doonayso in shirkadaha amniga gaarka loo leeyahay ay si madax-bannaan u shaqeeyaan, isla markaana si cad loo kala saaro shaqadooda iyo tan ciidamada dowladda. “Askari walba oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya xaq uma laha inuu u shaqeeyo shirkad amniga ka shaqeysa. Waxaan rabnaa in shirkadaha amniga gaarka ah ay gooni u noqdaan, hubkooda, qalabkooda iyo wax kasta oo ay isticmaalaanna ay gaar u yeeshaan,” ayuu yiri Cabaas Cali Xuseen.
Hubka Shirkadaha Gaarka loo Leeyahay oo Lagu Diiwaangelinayo Nidaam Dijitaal ah
Nidaamka cusub ayaa shirkadaha amniga gaarka loo leeyahay u saamaxaya inay si dijitaal ah u diiwaangeliyaan hubka ay haystaan, si dowladda ay ula socoto una maamusho hubka loo adeegsado ilaalinta xarumaha iyo hantida gaarka loo leeyahay. Wasaaradda ayaa sheegtay in nidaamkan si rasmi ah loo hirgeliyey, iyadoo shirkadaha lagu wargeliyey inay u hoggaansamaan shuruucda dalka ee nidaaminaya adeegyada amniga gaarka loo leeyahay.
Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa dhankiisa sheegay inaan dalka lagu dhex wadan karin hub aysan dowladdu ka warqabin ama aan sharciyeysneyn. “Waxaa shirkadaha gaarka ah lagu wargelinayaa in laga bilaabo maanta la hirgeliyey nidaam lagu diiwaangelinayo laguna maareynayo howlaha adeegyada amniga ee gaarka ah, si waafaqsan xeerarka dalka,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha.