Switzerland, 22 Janaayo 2026 (Dawan) — Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, iyo Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro, ayaa habeenimadii Arbacada kulan casho-sharaf ah ku yeeshay magaalada Davos, sida uu Cirro ku sheegay qoraaal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Kulankan, oo ka dhacay meel ka baxsan shirka Dhaqaalaha Adduunka (WEF), ayaa diiradda lagu saaray "xoojinta iyo horumarinta xiriirka" u dhexeeya Israel iyo Somaliland, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Cirro.
Madaxweyne Cirro ayaa qoraal uu ku soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in cashada ka soo qayb-galeen "siyaasiyiin culus iyo hoggaamiyeyaal caalami ah," wuxuuna si gaar ah u xusay Eric Trump, oo ah wiilka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.






