New York (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa Turkiga ku eedeeyay inuu dalalka Afrika ka dhex wado olole looga hortagayo in Somaliland ay hesho aqoonsi caalami ah.
Cirro ayaa hadalkan ka jeediyay xarunta Golaha Xiriirka Dibadda ee Mareykanka (Council on Foreign Relations—CFR) ee magaalada New York, halkaas oo uu kaga hadlay dadaallada Somaliland ugu jirto aqoonsiga iyo caqabadaha diblomaasiyadeed ee hortaagan.
“Waxaan u maleynayaa inay jiraan dalal olole ka dhan ah Somaliland wada. Turkigu wuxuu booqanayaa dalalka Afrika, wuxuuna la kulmayaa madaxdooda,” ayuu yiri Cirro, sida lagu baahiyay bogga Madaxtooyada Somaliland.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale Masar ku daray dowladaha uu sheegay inay ka soo horjeedaan aqoonsiga Somaliland. Wuxuu ku dooday in ololaha dowladaha awoodda leh uu sababay in dalal laga yaabo inay Somaliland aqoonsadaan ay ka gaabsadaan go’aankaas.