Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa la filayaa inuu safaarad Somaliland leedahay ka furo Israel inta uu ku guda jiro booqasho shan maalmood ah, sida uu sheegay Telefishanka Somaliland.
Telefishanka ayaa sheegay in Cirro uu Israel tagayo kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha Israel,, Isaac Herzog.
Safiirka Somaliland ee Israel, Maxamed Xaaji, ayaa sheegay in labada madaxweyne ay yeelan doonaan kulan laba-geesood ah oo rasmi ah, kadibna ay si wadajir ah uga qeyb geli doonaan qado sharaf iyaga oo shior jaraa''id wada qaban doona.
Inta lagu guda jiro booqashada, Cirro ayaa la filayaa inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Israel, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Difaaca, Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Israel, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Israel, sida uu sheegay safiirku.
Telefishanka Somaliland ayaa sheegay in kulamada diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo horumarinta dhaqaalaha.