Muqdisho (Dawan)- Dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee SONSA ayaa soo dhoweysay gogosha wada-hadalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u fidiyay dhinacyada siyaasadda, si xal looga gaaro khilaafka ku xeeran doorashooyinka federaalka.
War-saxaafadeed ay Talaadadii soo saartay ayay Dalladdu gogosha ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo mudan in laga miro-dhaliyo, iyadoo ku baaqday in dadaal gaar ah lagu bixiyo sidii loo xaqiijin lahaa ka qaybgalka dhammaan dhinacyada, lagana fogaado dib-u-dhac iyo waqti lumis.
SONSA ayaa sheegtay inay ka shaqaynayso sidii bulshada rayidku si wadajir ah uga qaybqaadan lahayd wada-hadallada, isla markaana ay sii wadi doonto dadaallada lagu xallinayo caqabadaha hortaagan.