Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya ayaa tallaabo cusub u qaaday horumarinta beeraha, kaddib markii maanta si rasmi ah xarigga looga jaray xarunta dhexe ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha (NARI), taas oo la filayo inay door muhiim ah ka qaadato casriyeynta beeraha, kordhinta wax-soo-saarka iyo xoojinta sugnaanta cuntada dalka.
Machadkan ayaa la filayaa inuu diiradda saaro cilmi-baarista lagu horumarinayo hababka wax-beerista, tayada dalagyada iyo helitaanka xalal cilmiyeed oo wax ka qaban kara caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed.
Furitaanka xaruntan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso kordhinta wax-soo-saarka gudaha iyo yareynta ku-tiirsanaanta cuntada dibadda laga keeno.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qaybgalay ganacsatada ku hawlan beeraha, dhallinyarada ku takhasustay cilmiga beeraha, haweenka beeraleyda ah, wakiillo ka socday jaamacadaha iyo iskaashatooyinka beeraleyda, iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka socday wasaaradaha beeraha iyo xannaanada xoolaha ee dowlad-goboleedyada dalka.