Muqdisho (Dawan) — Muran ka dhashay ciyaar turub ah ayaa sababay dhimashada askari ka tirsanaa Booliska Soomaaliyeed, iyadoo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay dil toogasho ku xukuntay eedeysanaha loo haysto dilkaas.
Dable Boolis Nuur Ibraahim Sahal ayaa lagu soo oogay eedeynta dilka kas ah ee marxuum Liibaan Nuux Sooc, oo ay ka wada tirsanaayeen laanta ilaalada canshuuraha ee Booliska. Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, 12-kii Luulyo 2026.
Sida lagu sheegay faahfaahinta kiiska, eedeysanaha ayaa ka carooday markii loo diiday inuu ka qaybqaato ciyaar turub ah oo ay askartu wada ciyaarayeen, kaddib markii la sheegay inuusan aqoon u lahayn ciyaarta.
Nuur Ibraahim Sahal ayaa la sheegay inuu qaatay qori nooca AK-47 ah, isaga oo doonayay inuu xoog ku helo fursad uu ciyaarta kaga qaybqaato. Hase yeeshee, marxuum Liibaan Nuux Sooc ayaa ku adkaystay diidmadii hore.