Yemen (Dawan) — Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa ka digtay xaalad bani’aadannimo oo sii xumaanaysa, kaddib markii dagaallo xooggan ay ka qarxeen xeebaha galbeed ee Yemen, kuwaas oo barakiciyey in ka badan 100,000 oo qof oo gudaha dalka ah.
UNHCR waxay sheegtay in dagaalladu saameeyeen qoysas ku kala nool gobollada Al Hodeidah, Ta’iz, Lahj, Aden, Abyan, Marib, Al Dhaleh iyo Shabwah. Qoysas badan ayaa si degdeg ah uga cararay guryahooda, iyagoo aan awoodin inay qaataan waxyaabo badan oo ay haysteen.
Hay’addu waxay sheegtay in baahiyaha ugu daran ay yihiin hoy, cunto, biyo nadiif ah iyo daryeel caafimaad, iyadoo goobaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah iyo bulshooyinka martida loo yahay ay wajahayaan cadaadis sii kordhaya.
Dhanka kale, in ka badan 2,400 qof ayaa afartii maalmood ee u dambeeyey badda uga gudbay Yemen una tallaabay Jabuuti, iyagoo inta badan ka degay magaalooyinka Obock, Khor Angar, Moulhoule iyo Godoria. In ka badan 60 % dadkaasi waa haween, carruur iyo dad waayeel ah.
UNHCR waxay sheegtay in dadka ka imanaya Yemen ay yihiin qaxooti ka cararaya colaadda iyo amni-darrada, kuwaas oo raadinaya ilaalin caalami ah. Hay’addu waxay sidoo kale la socotaa suuragalnimada in dad kale ay u gudbaan Soomaaliya, iyadoo la diyaarinayo qorsheyaal degdeg ah haddii ay yimaadaan dad dheeraad ah.