Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay warar ay ku tilmaantay kuwo been abuur ah oo lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo la xiriira sawirrada laba wariye oo Soomaaliyeed.
Wasaaraddu waxay sheegtay in akoonka ku jira barta X (Twitter), ee ku shaqeeya magaca Counter Terrorism Policing KE, uu baahiyay sawirrada laba saxafi oo Soomaaliyeed, isaga oo ku lifaaqay eedeymo ay Wasaaraddu ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ayay ku caddeysay in eedeymaha loo jeediyay saxafiyiinta iyo shakhsiyaadka caanka ka ah baraha bulshada ay yihiin kuwo been abuur ah, isla markaana wax u dhimaya sumcaddooda, xorriyadda hadalkooda iyo badbaadadooda.