New York (Dawan)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa xaqiijiyey in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, inkasta oo maanta si rasmi ah loo soo afjarayo howlgalkii siyaasadeed ee gaarka ahaa ee ay dalka ka waday, kaas oo loo yaqaanay UNTMIS.
Guterres ayaa sheegay in dhammaadka howlgalka United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS) aanu ka dhignayn in Qaramada Midoobay ay joojinayso wada-shaqaynta Soomaaliya, balse ay taageerada ku sii bixin doonto hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay ee sida joogtada ah uga hawlgala dalka.
Qoraal uu ku baahiyey bartiisa X, Xoghayaha Guud ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto la shaqaynta dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumar waara. Waxa uu sidoo kale bogaadiyey horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada nabadda iyo amniga, isaga oo ammaanay adkaysiga shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay muujiyeen, inkasta oo ay weli wajahayaan caqabado siyaasadeed, amni, bani’aadannimo iyo horumarineed.