Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa ka hadlay falal uu sheegay in dhawaan magaalada Boorama ee gobolka Awdal loogu geystay shakhsiyaad kasoo jeeda Itoobiya ee halkaas ku nool, isaga oo caddeeyey in Somaliland aanay aqbali doonin tacaddiyada ka dhanka ah dadka ajaanibta ah.
Batuun ayaa sheegay in falalkaasi ay wax u dhimayaan amniga, sumcadda iyo xasilloonida Somaliland, isla markaana ay halis gelinayaan wada noolaanshaha bulshada deegaanka iyo dadka ajaanibta ah ee dalka ku nool.
Wasiirka ayaa tilmaamay in weerarrada iyo falalka lagu cabsi gelinayo dadka ajaanibta ahi aanay waafaqsanayn mabaadi'da xuquuqda aadanaha iyo nidaamka sharciga. Waxa uu caddeeyey in xukuumaddu aanay oggolaan doonin in shakhsiyaad ama kooxo ay iskood u go'aamiyaan cidda dalka ku noolaan karta ama cidda xuquuqdeeda lagu xadgudbi karo.