Moscow (Dawan) — Dowladda Jabuuti ayaa ku baaqday in dib-u-eegis lagu sameeyo qaabka iskaashiga u dhexeeya Afrika iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah, si qaaraddu u hesho door ka ballaaran kan ay hadda ku leedahay go’aamada saameeya mustaqbalkeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, ayaa baaqan Jimcihii ka jeediyay magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka, xilli uu ka qaybgalayay Shir-madaxeedka Saddexaad ee Ruushka iyo Afrika, sida ay werisay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Wasiirka oo shirka ku matalayay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo qiimeeyo hababka ay Afrika ula macaamisho saaxiibbadeeda caalamiga ah, si iskaashigu ugu dhisnaado sinnaan iyo dano wadaag. Waxa uu ku dooday in Afrika aan lagu soo koobi karin suuq loo iibgeeyo badeecadaha ama goob ay dalalka shisheeye maalgashi ku sameeyaan, balse ay tahay in loo aqoonsado saaxiib leh awood iyo xuquuq uu kaga qaybqaato dejinta mudnaanta iyo jihada iskaashiga caalamiga ah.
Hadalka wasiirka ayaa diiradda saaray baahida loo qabo in dalalka Afrika ay door muuqda ku yeeshaan go’aamada la xiriira iskaashiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay la leeyihiin quwadaha caalamka.