Jabuuti (Dawan) — Hay’adda Ismaaciil Cumar Geelle (IOG) ayaa 56 qoys oo danyar ah ku wareejisay furayaasha guryo cusub oo laga dhisay magaalada Tadjourah ee dalka Jabuuti, kuwaas oo qayb ka ah barnaamijka lagu taageerayo qoysaska aan awoodin inay helaan guryo ay degaan.
Munaasabadda wareejinta guryahan ayaa Khamiistii ka dhacday magaalada Tadjourah, sida ay werisay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay hay’addu ku ballaarinayso fursadaha helitaanka guryaha loogu talagalay dadka dakhligoodu hooseeyo.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ah siyaasadda horumarinta guryeynta bulshada ee maamulka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, taas oo mudnaan siinaysa in qoysaska danyarta ahi helaan guryo ku habboon baahidooda nololeed.