Muqdisho (Dawan)— Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda ay xaq sharci ah u leedahay maareynta, bixinta iyo dib-u-qaabaynta dhulka danta guud iyo Obasiibooyinka ee Muqdisho, iyadoo la ilaalinayo danta guud lana tixgelinayo dadka danyarta ah.
Arrintan ayaa ka soo baxday kulan wadatashi ah oo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), uu la yeeshay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda iyo hoggaanka Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray cabashooyinka shacabka ee la xiriira dhulka, xilli Muqdisho ay ka socdaan dadaallo dib loogu habaynayo dhulka danta guud iyo Obasiibooyinka, sida uu sheegay Maamulka Gobolka Banaadir.
Culimada ayaa sheegtay in maamulka dhulka danta guud uu yahay awood sharci ah oo ay dowladdu leedahay, balse ay tahay in lagu saleeyo danta guud iyo tixgelinta dadka danyarta ah.