Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa ka digay in colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo ay horseedi karto qalalaase iyo xasillooni darro ka dhalata Puntland, isagoo ugu baaqay dhinacyada ay khusayso inay ka shaqeeyaan ka hortagga isku dhac militari.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Gaalkacyo aysan ahayn goob dagaal, isla markaana loo baahan yahay in laga fogaado tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda, isagoo ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan sharci ah.
Waxa uu xusay in hubka iyo awoodda ciidan ee loo abaabulayo xiisadda Gaalkacyo ay wiiqi karaan dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab, isla markaana ay ka leexin karaan awooddii iyo kheyraadkii loo baahnaa sugidda amniga guud ee dalka.