Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya waxay sannadkii soo saari kartaa ilaa 800,000 oo tan oo malayga tuunada ah, kaas oo qiimihiisu gaari karo inta u dhexeysa $1 bilyan iyo $2 bilyan, sida uu shalay sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga, Cabdi Diirshe.
Diirshe, oo ka hadlayay Toddobaadka Qaran ee Kalluumeysiga Soomaaliya, ayaa sheegay in khayraadka badda uu yahay mid ka mid ah fursadaha ugu waaweyn ee maalgashadayaashu ka faa’iidaysan karaan. Wuxuu xusay in tirada 800,000 oo tan ay khusayso tuunada oo keliya, isla markaana aysan ku jirin noocyada kale ee kalluunka.
“Soomaaliya Afrika oo dhan waa waddanka ugu xeebta dheer oo ugu khayraad badan,” ayuu yiri Diirshe.
Agaasimaha Guud ayaa sheegay in maalgashadayaashu ay fursado dhaqaale ka heli karaan sidoo kale iibsashada doomaha kalluumeysiga. Wuxuu xusay in qofka iibsada 10 ilaa 20 doon uu ka heli karo malaayiin doollar, isla markaana ay jiraan fursado maalgashi oo la xiriira samaynta iyo dayactirka doomaha.