Muqdisho (Dawan) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ama diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan ee Turkigu ay 26-kii Oktoobar duqeymo ka geysteen fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee deegaanka Leego.
War-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Amniga Qaranka ayaa lagu sheegay in wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah oo aan sal lahayn, iyadoo xaqiijisay inaysan jirin weerar ay diyaaradaha Turkigu si khalad ah ugu bartilmaameedsadeen ciidamada Soomaaliyeed.
Dowladda ayaa sheegtay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid istiraatiiji ah oo diiradda saaraya dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xoojinta amniga iyo dhismaha nabad waarta.