Muqdisho (Dawan) – Munaasabadda Haween Leadership Award, oo ah barnaamij loogu talagalay in lagu abaalmariyo laguna maamuuso hooyooyinka iyo haweenka Soomaaliyeed ee bulshada u adeega, ayaa 25-kii Oktoobar 2026 lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabadda waxaa soo qabanqaabisay Deeqa Axmed Ismaaciil, oo sheegtay in fikradda barnaamijkan ay ka dhalatay safarro ay ku tagtay dalal ka tirsan qaaradda Afrika iyo shirar ay ka qaybgashay, kuwaas oo diiradda lagu saaray saddex arrimood oo muhiim u ah bulshada: dhallinyarada, haweenka iyo deegaanka.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Siraad Maxamed Nuur (Mama Ugaaso), xildhibaanno, haween xilal kala duwan ka haya dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir, iyo marti sharaf kale.
Deeqa Ismaaciil ayaa sheegtay in hooyada Soomaaliyeed ay leedahay dulqaad iyo adkaysi gaar ah. Waxay tilmaantay in hooyooyin badan ay soo kacaan 6:00 subaxnimo si ay u shaqaystaan, halka habeenkiina ay dib ugu laabtaan masuuliyadda guriga, oo ay ka mid yihiin daryeelka carruurta iyo hawlaha kale ee qoyska.
Barnaamijka ayaa si gaar ah loogu maamuusay hooyooyinka ka shaqeeya ganacsiyada yaryar ee maalinlaha ah, sida iibinta caanaha, khudaarta iyo badarka.
“Waa dad aan hore masraxa loogu arki jirin, laakiin maanta waa la sharfay,” ayay tiri Deeqa Ismaaciil.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qaybgashay Siraad Maxamed Nuur, oo ah madaxa Maama Ugaaso Foundation, taas oo xafladda ku tilmaantay mid mudnaan gaar ah leh, maadaama lagu maamuusayo haweenka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo dibaddiisaba.
“Marmar waxaan is iraahdaa doorkooda waa la illoobaa, laakiin Ilaahay agtiisa lagama illoobo,” ayay tiri Siraad.