Baay (Dawan) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dhowaad 75 xubnood oo Al-Shabaab ah ku dileen, 56 kalena ku dhaawaceen dagaal 26-kii Oktoobar ka dhacay deegaanka Jameeca ee hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada ayaa weerar saacado badan socday ku qaaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka, kaas oo qayb ka ahaa Hawlgalka Banooda. Wasaaradda ayaa sheegtay in dagaalku ka dhacay dhowr goobood, isla markaana ciidamada dowladda ay khasaare xooggan gaarsiiyeen dagaalyahannada Al-Shabaab.
Intii uu dagaalku socday, Al-Shabaab ayaa gaadiid laga soo buuxiyey walxaha qarxa ku weerartay gaadiidka Ciidanka Xoogga Dalka, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga. Weerarkaasi ayaa sababay waxyeello soo gaartay qaar ka mid ah gaadiidka ciidamada.