Kigali (Dawan) – Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa loo magacaabay inuu dhex-dhexaadiyo ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka CECAFA Kagame Cup 2026, sida uu shaaciyay Golaha Xiriirrada Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA).
Agaasimaha Fulinta Ku-meel-gaarka ah ee CECAFA, Jean Sseninde, ayaa sheegay in Cartan uu hoggaamin doono garsoorka kulanka final-ka ee ka dhici doona Garoonka Amahoro ee magaalada Kigali 7-da Agoosto, waxaana caawin doona Liibaan Cabdirisaaq oo u dhashay Jabuuti iyo Eliezer Stephen Yiembe oo kasoo jeeda Kenya.
Madaxweynaha CECAFA, Paulos Weldehaimanot Andemariam, ayaa soo dhoweeyay magacaabista garsooraha Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Cartan uu noqday astaan muujinaysa heerka sare ee garsoorka Afrika, isla markaana guulihiisu ay dhiirrigelin u yihiin jiilka cusub ee garsoorayaasha qaaradda.
Cartan iyo kaaliyayaashiisa ayaa la filayaa inay magaalada Kigali gaaraan maalinta Talaadada, halkaas oo ay uga qeyb qaadan doonaan final-ka CECAFA Kagame Cup, iyagoo sidoo kale tartankan uga faa'iideysan doona diyaar-garowga kulanka UEFA Super Cup 2026.