Soomaaliya, 9 Abriil 2026 (Dawan)— Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa taariikhda ka galay baal dahab kadib markii uu noqday garsoorihii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee kusoo baxay liiska garsooreyaasha dhexdhexaadin doona Koobka Adduunka ee FIFA 2026, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta ka tirsan Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya, taasoo calaamad u ah guul taariikhi ah oo u soo hoyatay bahda isboortiga ee dalka.
Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa lagu daray liiska garsooreyaasha loo magacaabay tartankan, sida ku cad qoraallo ka soo baxay maamulka kubbadda cagta.
Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya, ahna Ku-simaha Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Kubbadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), Cali Cabdi Maxamed (Cali Shino), ayaa ugu hahambalyeeya Cartan magacaabistan.
“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo loo doortay inuu ka mid noqdo garsooreyaasha Koobka Adduunka,” ayuu yiri.


