Tadjourah, Jabuuti – Dab xooggan ayaa 3 June 2025 ka kacay keymaha Day ee gobolka Tadjourah, waqooyiga dalka Jabuuti, kaasoo si ba'an u baabi’iyay dhul ballaaran oo kaymaha ah.
Dabka ayaa la sheegay inuu ka bilowday dhanka xeebta ee ku dhow buuraha Sheikh Baayasiid, kadibna si xawli ah ugu fiday kaymaha Day oo ka mid ah meelaha ugu cagaaran dalka Jabuuti. Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, dabkan ayaa baabi’iyay in ku dhaw 50 hektar oo dhul kaymo ah, balse lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah.