Jabuuti (Dawan) – Tobannaan guri ayaa ku burburay dab weyn oo Isniintii ka kacay xaafadda 7 Bis ee magaalada Jabuuti, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Dabka ayaa billowday wax yar ka hor 2:00 duhurnimo, wuxuuna si degdeg ah ugu fiday xaafado dhowr ah oo ku yaalla deegaankaasi oo ah meel ay dad badan ku nool yihiin.
Goob-joogayaal ayaa u sheegay ADI in qiiq madow oo aad u weyn laga arkayay qeybo badan oo magaalada ah, halka dadka deegaanka ay isku dayayeen inay badbaadiyaan qaar kamid ah hantidooda kahor inta aysan gurmadku soo gaarin.
Ciidamada dab-damiska ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay xakameeyaan dabka kadib in ka badan hal saac oo ay socotay howsha gurmadka.


