Muqdisho (Dawan ) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xiray lix qof oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal sababay rabshado iyo saxmad ka dhacday baro hubin ay ciidamada amnigu kasugayeen amniga Caasimadda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir habeenkii jimcaha.
Booliska ayaa sheegay in eedeysanayaasha ay ciidamada ammaanku ku qabteen goobaha hubinta amniga kadib markii lagu tuhmay inay ku lug lahaayeen falal abaabulan oo carqaladeeyay howlaha amniga ee ka socday caasimadda.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dadka la xiray lagu hayo baaritaanno hordhac ah, ka hor inta aan loo gudbin hay’adaha garsoorka ee ay khusayso.
Booliska ayaa ku eedeeyay dadka la xiray inay ku lug lahaayeen falal khatar ku ah amniga, xasilloonida iyo isu socodka bulshada ee magaalada. Eedeymahan si madax-bannaan looma xaqiijin karo sidoo kale booliska ma faahhaain qaabka iyo goobka rasimiga ee falka uu ka dhacay.


