Qaahira (Dawan)– Dowladda Masar iyo Soomaaliya ayaa xoojinaya dadaallada lagu doonayo sii deynta badmaaxiinta Masaarida ee saaran markabka shidaalka ee M/T Eureka, ee afduubka loogu heysto xeebaha Soomaaliya.
Arrintan ayaa looga hadlay kaddib ka dhacay magaalada Qaahira oo dhex maray Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Arrimaha Afrika, Maxamed Kariim Shariif, iyo Safiirka Soomaaliya ee Qaahira, Cali Cabdi Awaare, iyada oo laga wada hadlay xaaladda badmaaxiinta Masaarida ee wali gacanta ugu jira kooxihii afduubka geystay.
Masar ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan badmaaxiinta la haysto, iyadoo carrabka ku adkaysay in la ilaaliyo ammaankooda iyo badqabkooda. Dowladda Masar waxay sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay in dowladda Soomaaliya door muuqda ka qaadato xal u helidda arrintan.


