Baydhabo (Dawan)– Dagaal culus ayaa xalay ka qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaddib markii la sheegay inuu is-weydaarsi rasaas ah dhexmaray ciidanka booliska milatariga iyo ciidamo hubeysan oo la sheegay inay daacad u yihiin maamulkii hore ee Koonfur Galbeed.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in xiisaddu ay bilaabatay kaddib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisin ay booliska milatariga ku leeyihiin meel ku dhow isgoyska Al-Faras ee waddada 30-ka, oo ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Baydhabo.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku dhaceen, balse weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.
Ilaa hadda ma jiro wax hadal rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed ama laamaha amniga oo ku saabsan dhacdadan. Sidoo kale, ma aysan suurtagelin in si madax-bannaan loo xaqiijiyo sheegashooyinka la xiriira dagaalka iyo cidda billowday iska horimaadka.