Muqdisho (Dawan) – Warbixin cusub oo ka soo baxday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa muujinaysa in dakhliga gudaha ee dalka uu gaaray $369.4 milyan sanadka 2024, taasoo ah koror 12% ah marka loo eego sanadkii hore. Kororkani ayaa waxaa uu ka imaaday kororka canshuuraha dakhliga iyo canshuuraha iibka.
Warbixintaan ayaa lagu soo bandhigay Munaasabad lagu soo bandhigay Warbixinta Waxqabadka Sannadlaha ah ee Wasaaradda Maaliyadda 2024 oo ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qayb galay mas'uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka hadlay munaasabadda, isagoo sheegay in dowladda ay gaartay guulo muhiim ah oo ku saabsan maamulka maaliyadeed. Waxa uu sidoo kale ka soo sheegay in warbixintani ay muujinayso horumarka laga gaaray dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.
"Waxaan rabnaa inaan bogaadinno muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada, kuwaas oo si weyn uga qayb qaadanaya bixinta canshuuraha," ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac, isagoo ka hadlay kororka dakhliga iyo taageerada shacabka.