Addis Ababa (Dawan)- Dalalka xubnaha ka ah IGAD ayaa ansixiyay qorshe wadajir ah oo lagu yareynayo saameynta El Niño, iyadoo saadaaluhu muujinayaan inay kordhayso halista roobab xooggan iyo fatahaado ka dhaca qaybo ka mid ah Geeska Afrika.
Baaqa waxqabadka ayaa lagu ansixiyay shir heer sare ah oo Khamiistii lagu soo gabagabeeyay Addis Ababa, kaas oo ay ka qaybgaleen dowladaha xubnaha ka ah IGAD, hay’adaha gargaarka iyo saaxiibbada horumarinta.
IGAD ayaa sheegtay in xaaladaha El Niño ay soo baxeen, lana filayo inay sii xoogaystaan inta ka harsan 2026. Saadaasha gobolka ayaa muujinaysa in roobab ka badan heerka caadiga ah ay bilaha Oktoobar ilaa Diseembar ka da’i karaan koonfurta Itoobiya, bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo waqooyi-bari Kenya.
Dalalka xubnaha ka ah ururka ayaa isku raacay inay dhaqaajiyaan qorshayaasha gurmadka kahor roobabka, sahayna sii dhigaan goobaha halista ku jira, isla markaana ilaaliyaan waddooyinka, buundooyinka, iskuullada, xarumaha caafimaadka iyo nidaamyada biyaha.
Qorshuhu wuxuu sidoo kale dalbanayaa in dalalka gobolka ay si degdeg ah isu dhaafsadaan saadaasha hawada, xogta qulqulka webiyada, digniinaha fatahaadaha iyo macluumaadka cudurrada dadka iyo xoolaha.